Jabuuti,(insidesomalia.org)- Hoggaamiyayaasha Ergooyinka Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo Isbaheysiga dib u xoreynta ee uu shirka uga socdo Dalka Jibouti ayaa waxay rajo ka muujiyeen miro ka soo baxa Wada hadallada labada dhinac u socda.
Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan oo ka hadlayay furitaanka Shir shalay guddiyo ka kala socda Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga dib u xoreynta uga furmay dalka Jibouti ayaawuxuu u mahadcelin u jeediyay Wakiilka Xoghayaha Gudu ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah kaasi oo uu sheegay in uu nasiib u yeeshay in Arrimaha Soomaaliya loo soo magacaabo xili ay dadka Soomaaliyeed ka soo daaleen dhibaatooyinkii dhexmaray.
Sidoo kalena Waxaa furitaankii shirka Guddiyadaas ka hadlay Mr Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo ah Hoggaamiyaha Ergada Wada hadallada Jibouti ee Isbaheysiga dib u xoreynta, wuxuuna uu sheegay in ay qiimo kasta siisanayaan ka mirodhalinta dadaallada xalka loogu raadinayo Mushkiladda Soomaaliya.
Waxaa uu u mahadceliyay Hoggaamiyaha Ergada Isbaheysiga dib u xoreynta ee Wada hadallada Jibouti Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah, Dowladda Jibouti iyo weliba Dalalka Caalamka, gaar ahaan kuwa ku howlan nabadeynta Soomaaliya.